Ma Ahayn Wax La Aqbali Karo,” – Allegri Oo Eed Dhusha U Saaray Douglas Costa

by admin | Monday, Sep 17, 2018 | 938 views

Allegri waxa uu dhalleeceeyey dhaqankii ciyaaryahankiisa kaddib guushii 2-1 ahayd isaga oo ku adkeystay in dhaqankaas ahaa mid aan la qaadan kaarin.

“Malaha shaafto/qalad lagu galay kahor ficilka ayaa looga xanaajiyey, laakiin taas dhib ma leh, maxaa yeelay tani ma ahayn in ay dhacdo. Hal wax ee qasabka ah in aan la sameeyo waa in laga fogaado dabinka gardarada ah,” ayuu Allegri u sheegay Sky Italia.

“Waxaan dhalin karnay gool saddexaad, laakiin bedelkeeda waxaan bilownay in aan dheelno ciyaar shaqsiyadeed, waxaan isku daynay in aan gam gambinno, tani waxa ay daalisay kooxda naga soo horjeeday, kaddib si xun ayaan uga falceliyey waxaad heshay xaalad ah tii Douglas Costa.

“Kaliya waxaad u baahan tahay in aad aragto kulamadii hore iyo sida Ronaldo ugu dhawaa in uu dhaliyo.

Advertisement

“Markale maanta, xoggaa wuu yara deg degsanaa si uu u dhaliyo, laakiin waxa uu ku soo booday birta agteeda waliba agagaarkiisa. Taas ayaa ka dhignay in aan la horistagin.”

Labadii gool ee Ronaldo ugu horreeyey waxa ay ka dhignyed in Juventus gaadho guushii afraadoo xiriir ah.

Laakiin guusha waxaa hareeyey dhacdadii Costa oo suxul ku dhuftay Di Francesco kahor inta aysan is dagaalin.

Labada ciyaaryahan kulanka oo dhan ayey dagaalamayeen kahor inta aan kaarka cas loo taagin Costa.

Costa waxaa loo adeegsaday aaladda VAR kahor inta aan lagu helin falka lagu ciqaabay.

Like it? Share it!

Leave A Response