Ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo soo bandhigay waxyaabaha qarxa{sawiro}

by admin | Thursday, Sep 19, 2019 | 562 views

Ciidamada Booliska Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa la sheegay inay ku guuleysteen inay fashiliyaan Miino lagu Aasay bartamaha wadada ka baxda Baladweyne ee Aada Garoonka Diyaaradaha Magaaladaas.

Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay sheegeen in dadka Shacabka ah ee wadadaasi mara ay Ciidamada kusoo wargeliyeen Miinada wadada bartankeedalagu aasay,isla markaana Ciidamada Booliska Baladweyne qeybta Miina baarista ay soo saareen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada ay ugu dambeyn qarxiyeen miinadaas, iyada oo aan cidna waxba ku noqon,sida uu sheegay mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Booliska Magalada Baladweyne.

Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sidoo kale sheegayaan in howlgal ay sameeyeen Ciidamada ay gacanta ku dhigeen Ruux looga shakisan yahay in uu ahaa qofkii miinada Goobta ku aasay,wallow saraakiisha Ciidamada aysan wax faah faahin ah ka bixin.

Wadada xiriirisa inta u dhaxeysa Magaalada Baladweyne iyo Garoonka Diyaaradaha Magaaladaas ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda,kuwa Maamulka Hir-Shabeelle iyo Ciidamada Jabuuti oo ka mid ah howlgalka AMISOM,isla markaana qaraxyadaas ay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah

Like it? Share it!

Leave A Response