Wararkii ugu dambeeyay Qarax Caawa ka dhacay Muqdisho

by admin | Wednesday, Sep 18, 2019 | 526 views

Faahfaahino dheeraad ah ayaa baxaya qarax Caawa ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Xaaji Baasto.

Goobjoogayaal ayaa u xaqiijiyay  shabakada  reegaay.com   in Qaraxa uu ahaa Mid xooggan.

Qof ka mid ahaa dadkii ku sugnaa goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa xaqiijiyay in uu arkay Dhaawaca ku dhawaad Shan ruux iyo Hal qof oo Meyd ah.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa ah afaafka hore ee Goob Ganacsi oo Maqaayad ah oo xarriga laga jarayay furitaankeeda, waxaana xiliga qaraxa uu dhacayay gudaha maqaaxida ku sugnaa dad u badan dhalinyaro oo lagu casuumay munaasabada.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Qaraxa uu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda oo Qaraxday halka warar kalena ay sheegayaan in Qaraxa lagu xiray Gaari Nooca Raaxadda ah.

Like it? Share it!

Leave A Response