Dowladda oo War kasoo saartay howlgallo ka dhacay Hiiraan & Jubbada Hoose

by admin | Wednesday, Sep 18, 2019 | 543 views

Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa daraawiishta Jubbaland oo is garabsanaya ayaa  ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgalkaas oo ka dhacay deegaanka Bandar-jadiid oo u dhow Buundada Araare ee gobolkaasi Jubbada Hoose ay ku dileen Ilaa 15 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana mid ka mid ah ay nolosho kusoo qabteen.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga dalka hawlgal ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa Jalalaqsi iyo Buuleburte lagu dilay Ibraahim Cabdi Turceey oo ahaa madixii Jabhadaha Al-shabaab ee gobolka Hiiraan iyo Xasan Yare oo ahaa madixii Miinooyinka.

Si kastaba warkaan kasoo baxay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku aadan in howlgal lagu dilay Saraakiil iyo Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin Al-Shabaab mana jiraan warar madax bannan oo xaqiijinaya.

Like it? Share it!

Leave A Response