Howlgalo ciidamada Milatariga ka fuliyeen deegaano ka mid ah degmada Balcad

by admin | Wednesday, Sep 18, 2019 | 742 views

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgalo ammaanka lagu sugayo waxa ay ka fuliyeen deegaano kamid ah degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Taliyaha Qeybta 27aad General Maxamed Maxamuud Tredishe oo ka howlgaladan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgaladan ayna ka sifeyn doonaan deegaanada ku xeeran degmada Balcad Alshabaab.

Howlgaladan oo ka dhacay gudaha magaalada Balcad iyo deegaanka Gololey ayaa lagu soo qabqabtay illaa 25 ruux oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen weerarada Alshabaab ka fuliyeen deegaanada Balcad.

Ururka Alshabaab ayaa weeraro uu ku qaaday toddobaadkan kolonyo gaadiid ah oo marayay duleedka magaalada Balcad waxa ay ku dileen illaa iyo 12 askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu baaqay dowlada federalka inay wax ka qabato dagaalamayaasha Alshabaab oo uu sheegay in u soo wareegeen deegaanoa ka tirsan gobolka Sh/dhexe kadib markii ay howlgalo ciidamada dowlada ka fuliyeen degmooyin ku yaal gobolka Sh/hoose.

Like it? Share it!

Leave A Response