Ciidamada DFS & Kuwa Deegaanka oo Howlgallo ka dhana ah ‘AS’ kawada Gobolka Galgaduud.

by admin | Wednesday, Sep 27, 2023 | 110 views

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Dadka Deegaanka ayaa xoogga saaray kordhinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Deegaanno dhaca Bariga Gobolka Galgaduud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Howlgalladaan waxaa qayb ka ah Mas’uuliyiin heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed si ay u dhiirrageliyaan ciidamadaas si ay gacanta uga dhigaan deegaannada ay weli ku sugan yihiin ‘AS’ sida ay sheegeen saraakiisha howlgallkaas hoggaamineysa.

Deegaannada ugu badan ee Ciidamada Xoogga saarayaan ee dhaca Bariga Gobolka Galgaduud waxaa la sheegayaa in mararka qaar lagu arkayo Diyaaradaha Nooca Dagaalka oo qudhooda qayb ka ah howlgalladaas socda.

Saraakiil la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in kulamadii ugu dambeeyay ee lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb Xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug lagu go’aamiyay qorshooyinka cusub ee dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Dhuusamareeb kawada abaabulka howlgalka wajigiisa 1aad lagu soo gabagabeynayo si loogu gudbo qaybtiisa 2aad.

Like it? Share it!

Leave A Response