Ciraaq: Dab ka kacay goob ay ka socotay Xaflad Aroos oo sababay dhimashada ugu yaraan 113 ruux.

by admin | Wednesday, Sep 27, 2023 | 116 views

Ugu yaraan 113 ruux ayaa dhimatay halka ay dhaawacmeen in ka badan 150 kale kaddib markii uu dab qabsaday goob ay ka socotay Xaflad Aroos oo ku taalla Waqooyiga Dalka Ciraaq waxaana suuragal ah in khasaaraha uu ka badan karo tiradaas la shaaciyay.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Nineveh Xasan Al-Allaaq ayaa sheegay in dabkaas loo badinayo in uu ka dhashay walxaha lagu dabbaaldego balse baaris buuxda lagu hayo oo wixii kasoo kordha Warbaahinta lala wadaagi doonno.

Sarkaal katirsan Kooxaha Gurmadka ayaa sheegay in xaaladda Dadka dhaawaca ah qaarkood ay aad u liidato maadaama meelo kala duwan oo jirkooda ah uu dabka saameyn taban ku reebay Laakiin Dhaqaatiirtu howshooda faraha ku heyso.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Mashaqadu ka dhacday ayaa sheegay in qaar kamid ah Dadka dhaawacyada halista ah soo gaaray loo qaadi doonno Magaalada Baqdaad ee Caasimadda Dalka si loogu daweeyo.

Gobollada deriska ah Gobolkaan waxaa ka tegay dad gurmad u sameynaya dadkaas dhibaatooyinka soo gaareen, waxa ay qaadeen tallaabooyin ay ku badbaadinayaan Dadka dhaawacyada ah si ay u helaan daryeel ku filan.

Like it? Share it!

Leave A Response