Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

by admin | Wednesday, Sep 27, 2023 | 144 views

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada hareeraha waddooyinka la dhigo uu ka dhacay laamiga dheer ee aada xarunta degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, gaar ahaan halka loo yaqaan Guutaale.

Qaraxa miino ayaa lala eegtay gaari uu la socday taliyaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee degmada Dayniile Cabdiraxmaan Cali Waqooyi, oo goobtaasi marayay xilliga uu qaraxa dhacayay.

Taliyaha qaraxa lagu weeraray ayaa la sheegay in uu ka bad baaday weerarkaasi, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay askari ilaalo u ahaa taliyaha iyo sidoo kale qof shacab ah oo marayay aaga uu qaraxu ka dhacay.

Ciidamada nabad sugida iyo booliiska oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaano, lamana sheegin ilaa hadda cid loo soo xiray qaraxan goordhaw ka dhacay laamiga Dayniile.

Taliyaha nabad sugida u qaabilsan degmada Dayniile ayaa marar hore ka bad baaday qaraxyo sidaan oo kale loogu weeraray, waxaana masuuliyada weeraradaasi sheegatay kooxda Al Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response