Madaxda saddex maamul goboleed oo ku sugan Nairobi iyo Shirar Hoose oo socda

by admin | Wednesday, Sep 27, 2023 | 153 views

Wararka aan ka heleyno magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa sheegaa in halkaasi joogaan saddex kamid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira, kuwaa oo kulamo siyaasadeed halkaasi kawada.

Madaxda Nairobi joogta oo kala ah Madaxweynaha Puntland , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa magaaladaasi kawada kulamo kala duwan oo ay la yeelanayaan siyaasiyiin iyo sidoo kale wakiillo katirsan beesha caalamka.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in kulamo qarsoodi ah madaxdan dhaxdooda ugu yeesheen magaalada Nairobi, iyagoona inta badan kawada hadlayay xaalada siyaasadeed ee dalka ka jirta iyo sidii ay iskaashi cusub u yeelan lahaayeen.

Madaxda Puntland iyo Koonfur Galbeed ,Siciid Deni iyo Laftagareen ayaa kulamo saacado badan qaatay ku yeeshay Nairobi, waxa ayna labadan madaxweyne kawada hadleen xaalada siyaasadeed gaar ahaan mucaaradad kaga imaaneyso dhinaca Villa Soomaaliya.

Labadan madaxweyne oo muddo xiloodkoodu gebo gebo yahay ayaa wajahaya mucaarad kaga imaaneyso siyaasiyiin ay gadaal ka riixeyso Villa Soomaaliya, waxa ayna labadan hoggaamiye ku heshiiyeen in ay yeeshaan isbaheyso cusub oo siyaasadeed.

Dhinaca kale madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo lagu xanto in xiriir dhaw la leeyahay xukuumadda Xamse Barre ayaa isna ku sugan Nairobi, waxa uuna Axmed Madooe isaga kulamo la qaatay madaxweyne Laftagareen oo siyaasad ahaan isku dhaw yihiin.

Madaxda saddexdan maamul goboleed ee ku sugan magaalada Nairobi ayaa sidoo kale la filayaa in ay la kulmaan qaar kamid ah wakiillada beesha caalamka u jooga Soomaaliya, kuwaa ay kala hadlayaan xaalada ka jirta deegaannada maamulkooda.

Like it? Share it!

Leave A Response