Ciidamada Difaaca Uganda ayaa sheegay in Ciidamadooda ay dileen 22 ka tirsan dagaalyahannada ururka Al-Shabaab, kadib dagaal shalay barkhadii ka dhacay degaanka Buula Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Laba nin oo ka tirsan Shabaab oo kaxeynayay gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay Saldhiga ciidamada AMISOM ee Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha hoose. Taliska Ciidamada Uganda ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid aad u xoogan, isla-markaana wuxuu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid Ciidamadooda ay ka war hayeen kol hore, una diyaar garoobeen. Wuxuu kaloo Talisku sheegay Dowladda Uganda dagaalkan in looga dilay Afar Askari, Lix kalena looga dhaawacay, dhanka Shabaab ayuu tilmaamay in ay ka dileen ilaa 22 Dagaalyahan, kadib warbixin uu siiyay Wakaaladda wararka ee Reuters. “Siddeed ka mid ah gawaaridooda oo ay ku jiraan laba gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la bur buriyay, sidoo kale Qoryaha dagaalka ayaan kala wereegnay, khasaaraha dhimasho ee aan gaarsiinay wuxuu ahaa mid aad u xoogan.” Ayaa lagu yiri qoraalka ay bixiyeen. Soomaaliya waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan Midowga Afrika ee AMISOM, oo ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, waxayna Ciidanka Dowladda ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

by admin | Monday, Apr 2, 2018 | 1070 views

Wararka ka imaanaya degaan duleedka ka ah degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee maanta halkaasi ay ka dhacday Duqeyn.

Duqeyntan ayaa waxa ay si gaar uga dhacday degaanka lagu magacaabo Dac oo 20-KM ujira degmada Ceelbuur, waxaana fuliyay Diyaarado Drones ah.

Dadka degaanka ayaa waxa ay u sheegeen  warbaahiinta  in Duqeyntan lala beegsaday gaari yaallay Barkontorool oo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab, uuna jiro khasaare ka dhashay.

Maamulka degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegeen Duqeyntan in lagu dilay Dagaalyahano iyo saraakiil ka tirsanaa ururka Al-shabaab, balse aysan xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah.

Xoogaga ururka Al-Shabaab oo Duqeyntan dhankooda ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in dhowr Gantaal lala beegsaday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, laguna dilay ilaa Saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen rag, halka mida kalena ay aheyd Haweeney.

Shabaab waxa ay beeniyeen in Duqeyntan lagu dilay xoogag iyaga ka tirsan, waxayna tilmaameen ragga la dilay inay ahaayeen Nabadoon iyo Abwaan, oo lagu kala magacaabi jiray Cali Hareed iyo Abwaan Yuusuf Dhegey.

Diyaaradaha Duqeynta fuliyay ayaa waxaa loo maleynayaa in ay leedahay Dowladda Mareykanka, inkastoo Mareykanka uusan weli ka hadlin Duqeyntan iyo khasaaraha ka dhashay.

Like it? Share it!

Leave A Response