Uganda oo sheegtay 22 Shabaab ah in ay ku dishay dagaalkii Buula Mareer

by admin | Monday, Apr 2, 2018 | 1059 views

Ciidamada Difaaca Uganda ayaa sheegay in Ciidamadooda ay dileen 22 ka tirsan dagaalyahannada ururka Al-Shabaab, kadib dagaal shalay barkhadii ka dhacay degaanka Buula Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Laba nin oo ka tirsan Shabaab oo kaxeynayay gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay Saldhiga ciidamada AMISOM ee Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Taliska Ciidamada Uganda ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid aad u xoogan, isla-markaana wuxuu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid Ciidamadooda ay ka war hayeen kol hore, una diyaar garoobeen.

Wuxuu kaloo Talisku sheegay Dowladda Uganda dagaalkan in looga dilay Afar Askari, Lix kalena looga dhaawacay, dhanka Shabaab ayuu tilmaamay in ay ka dileen ilaa 22 Dagaalyahan, kadib warbixin uu siiyay Wakaaladda wararka ee Reuters.

“Siddeed ka mid ah gawaaridooda oo ay ku jiraan laba gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la bur buriyay, sidoo kale Qoryaha dagaalka ayaan kala wereegnay, khasaaraha dhimasho ee aan gaarsiinay wuxuu ahaa mid aad u xoogan.” Ayaa lagu yiri qoraalka ay bixiyeen.

Soomaaliya waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan Midowga Afrika ee AMISOM, oo ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, waxayna Ciidanka Dowladda ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response