RW Kheyre oo dhameystiray Liiska isku shaandheynta Wasiirada & Wejiyo cusub oo ka soo muuqanayo{XOG DHAB AH:}

by admin | Monday, Apr 2, 2018 | 1134 views

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa wada dhaq dhaqaaqii ugu danbeeyay uu isku shaandheyn ugu sameynayo Golihiisa Wasiirada.
Wararka qaar oo aan heleyno ayaa sheegaya in maalmaha soo socda uu Ra’iisal wasaaraha uu isku shaandheyn ku sameynayo Golaha Wasiirada,waxaana Arrinta cusub ay tahay in Liiska Wasiirada cusub ay iska dhex arki doonaan shaqsiyaad garab u ahaa Guddoomiye Jawaari si aadna u dhaliilsanaa siyaasadda Xasan Cali Kheyre,taasi oo looga gol leeyahay in lagu qaboojiyay Xiisada Siyaasadeed ee hadda dalka ka jirta.
Sidoo kale,Waxaa jira Wasiiro la isku badalayo,kuwaasi oo laga qaadayo booska hadda ay joogaan lana geynayo boos kale,sida ilo xog ogal ah inoo sheegeen.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo muddooyinkii ugu danbeeyay Jahwareer siyaasadeed ku jiray ayaa la filayaa inuu isku shaandheynta uga gol leeyahay inuu ku dheereysto sii joogitaanka kursiga Ra’iisal wasaare,maadama qal qal siyaasadeed uu dareemayo.

Waxaa hadda loo badinayaa in la qaboojiyay Xiisadii siyaasadeed ee u dhaxeysay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ku kala qeybsamay mooshinka laga gudbiyay Guddoomiye Jawaari.

Like it? Share it!

Leave A Response