Puntland: koox hubeysan oo dad rayid ah ku dilay Bandar beyla

by admin | Monday, Apr 2, 2018 | 1181 views

Ugu yaraan 4; qof ayaa geeriyootay halka ay dhaawacmeen labo kale kaddib markii Rag hubeysan ay raasaas oodda uga qaadeen Gaari ay la socdeen dadka reer Guuraaga ah.
Dadka ayaa xilliga ay la kulmayeen weerarka waxaa ay Biyo ka dhaasanayeen Ceel,waxaana Gaariga ay wateen uu ahaa Booyadda Biyaha lagu qaato.
Guddoomiyaha Magaalada Bandar Bayla Siciid Anteeno,ayaa sheegay in dadka 4ta ah ee dhintay ay ku aaseen Tuulada Dhuudo,halka labada dhaawaca ahna la geeyay goobaha caafimaadka.
Waxaa uu Siciid sheegay in Dadka falkaas geystay aan ilaa hadda la aqoonsan islamarkaana ay ka baxsadeen goobta markii ay weerarkaas geysteen Kaddib.

Waxaa uu sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ahba ay dhamaantood yihiin Reer Guuraa Biyo ka raadinayay ceel ku yaalla degaankaas.
Baaritaan ayuu sheegay in ay wadaan la xiriira cidda weerarkaas ka dambeysay,waxaana uu laamaha amaanka Puntland ka codsaday in ay gacan ka geystaan sidii loo qaban lahaa.

Like it? Share it!

Leave A Response