Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo duulaan ku qaaday deegaano dhaca duleedka Beledweyne

by admin | Sunday, Sep 30, 2018 | 912 views

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay saaka duulaan ku qaadeen deegaano ay maamulaan Al-Shabaab oo duleed ka ah magaalada Beledweyn.

Ciidamada huwanta ah oo isugu jira ciidanka dowladda ayaa la sheegay inay iska hor imaadyo kala kulmeen Al-Shabaab deegaanka Beer-Xaano.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay ku wajahan yihiin deegaanka Booco oo saldhig ugu weyn ku leeyihiin Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee qeybta 27aad ayaa sheegay in ujeedka howlgalkan uu yahay sidii Al-Shabaab looga sifeyn lahaa deegaanada u dhow dhow Beledweyne.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa markii uu xilka la wareegay sheegay in Al-Shabaab ka saari doonaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan.

Illaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ku dhex maray duleedka magaalada Beledweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response