Faarax Macallin: “Mareykanka Habeenkii ayuu gurtaa macdanta Soomaaliya”

by admin | Saturday, Sep 29, 2018 | 890 views

Hoggaamiyihii hore ee Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya haddana ah siyaasi Mucaarid ah Faarax Macallin ayaa sheegay in Mareykanka uu si qarsoodi ah u gurto kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Mr Macallin ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in Habeen kasta marka la gaaro 3:00AM ma sagaal saac habeennimo ay Diyaarado waaweyn oo uu Mareykanka leeyahay ka baxaan Muqdisho,kuwaas oo aada Garoonka Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Waxaa uu intaas ku daray in Gawaari waaweyn ay Buurhakaba ka qaadaan Macdanta iyaga oo ku qariya Kunteennarro waaweyn,kuwaas oo geeya Balli-doogle,halkaas oo ay diyaaradaha Xamuulka ahna ka qaadana kaddibna laga dhoofiyo Muqdisho.

Waxaa kale oo uu Faarax Macallin intaas ku daray in Kunteennarrada qaar ee laga qaado Buurhakaba oo gaaraya 40Fiit la geeyo Magaalada Baraawe ee isla Gobolka Shabeellaha hoose halkaas oo ay ku taallo dekad macmal ah.

Faarax ayaa ah siyaasi aad u dhaliila waddamada Reer Galbeedka ah, gaar ahaan kuwa ka howlgala Soomaaliya iyo inta badan Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ku jira howlgalka AMISOM oo ay ka mid tahay Dowladda Kenya.

Like it? Share it!

Leave A Response