Ciidamada Dowladda ayaa xalay Howlgalo ka sameeyay MUQDISHO

by admin | Saturday, Sep 29, 2018 | 832 views

Ciidamada Dowladda ayaa xalay Howlgalo ka sameeyay Xaafadaha u dhaxeeya Wadooyinka Warshadaha iyo Sodonka oo cabashooyin laga qabay kooxo dhac ka geysta.

Howlgalka ayaa si gaar ah ugu dhacay inta u dhaxeysa Cali Kamiin iyo Shiirkole sida u  warbaahita  sheegeen dadka deegaanka.

Xaafadahaas ayaa muddooyinkii dambe waxaa kasoo yeereysay Cabasho dadka deegaanka ay ka qabaan kooxaha dhaca geysta.

Ciidamada ayaa isgoysyada dhigtay gaadiidka dagaalka, waxa ay baarayeen Gaadiidka, Mootooyinka iyo dadka saaran sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Hay’adaha amniga Dowladda kama warbixin howlgalka iyo hadii ay jiraan dad ay kusoo qab-qabteen.

Like it? Share it!

Leave A Response