Yuusuf Dabageed oo digniin u diray dadka reer Hiiraan ee u Dacwad taga Maxkamadaha Al-Shabaab

by admin | Saturday, Sep 29, 2018 | 781 views

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa Ciidamada Ammaanka oo isugu jiro kuwa Dowladda iyo AMISOM ka dalbaday in ay gacanta ku dhigaan dadka u dacwo tago Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in ay la xiri doono 3-Bil sidoo kalena ay ganaaxi doonaan lacag dhan ($500) Shan Kun oo Doolar.

Gudoomiye Dabageed ayaa tilmaamay in ay ogyihiin dadka u dacwo tago Deegaanka Booco, ama loogu yeero, digniinta ugu dambeyso ayuu sheegay in maanta wixii ka dambeeya ay qabaan.

Waxa uu intaa ku daray in hadii Maxkamadaha Gobolka Hiiraan ay yihiin kuwo Jilcan oo aan u kala xukun ridi karin in ay u tagaan Culimada meeshii ay u aadi lahaayeen Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in maamulkiisa wax ka qaban doono arrimaha amni darada iyo isku dhacyada mararka qaar Ciidamada ku dhex mara magaalada Beledweyn.

Yuusuf Dabageed ayaa afar jeer oo hore loo magacaabay xilka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, waxaana muddooyinkii u dambeeyay laga deyrinayay xaalada amniga Gobolka, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Deegaanada Al-Shabaab maamulaan ayaa dadka u tagaan dacwado la xiriira muranada dhulka iyo kiisaska kale, iyadoo dadka laga dacweeyo looga yeero Maxkamadaha Shabaabka inay yimaadaan.

Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta Xilka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan la wareegay, waxa uuna sheegay in isbadal Muuqda uu kusoo kordhin doono Gobolka maadaama uu sheegayo in uu waaya-aragnimo buuxdo u leeyahay shaqada Gobolka.

Like it? Share it!

Leave A Response