C/rashiid Janan “Dowladda waxay ku mashquushay Facebook, Amniga dalka waxba kalama socoto”

by admin | Sunday, Sep 30, 2018 | 828 views

Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Janan ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in aanay waxba kala socon xaalada ammaan ee uu dalka ku sugan yahay.

C/rashiid Janan ayaa sheegay in dowladdu aanay ka warqabin ciidamada Soomaaliyeed ee maalin kasta dagaalka ku jira, isagoo soo hadal qaaday Ciidamo lagu dilay Gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose oo Shabaabka qaraxyo ku dileen

Waxaa uu sheegay in dowladdu ay ku mashquulsan tahay kaliya baraha bulshada iyo dadka qoraalada ku soo qora Facebook ee buun buuniya.

“Ciidamada Soomaaliyeed ee maalin kasta dagaal galaayo ee aan laga war qabin oo laga jecel yahay kaliya 10 qof ama 20 qof qoraal ay Facebook soo dhigaan in la buun-buuniyo, halkaas”ayuu yiri C/rashiid Janan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay dowladda Soomaaliyeed aanay xilligan la socon waxa ka socda dalka sida kan wax dilay iyo kan la dilay, kaliyana ku mashquulsan tahay baraha bulshada.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa sii xoogeystay, tan iyo wixii ka dambeeyay markii maamul goboleedyada shir ku yeesheen Kismaayo, waxaana soo baxaya hadalo kulul oo labada dhinac hawada isu marinayaan, taasoo loo arko inuu sii fogeynayo khilaafka.

Like it? Share it!

Leave A Response