Dab ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaalla Dhuusamareeb

by admin | Wednesday, Sep 30, 2020 | 585 views

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Goobo Ganacsi oo ku yaalla uu ka kacay dab xoogan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dabka uu ka kacay Kaalin Shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla Bartmaha Magaalada Dhuusamareeb, isla markaana uu ku fiday goobo Ganacsi oo ku dhigan Kaalinta Shidaalka.

Qaar kamid ah bulshada ku nool Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay wadaan gurmad ay ku doonayaan in dabkaasi lagu demiyo, sidoo kale Agabka kala duwan ee ku jira goobaha Ganacsi oo ku dhow halka dabka uu ka kacay ay ka saarayaan.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa dhowr jeer oo hore uu sidaan oo kale uu dabka uga kacay, waxaana la sheegay in Magaalada aysan laheyn wax dam demis ah, isla markaana Bulshada ay si iskood ah dabka u demiyaan.

Like it? Share it!

Leave A Response