Kooxo laga cabsi qabo in ay qasaan doorashada Mareykanka

by admin | Wednesday, Sep 30, 2020 | 391 views

Saraakiisha amniga Mareykanka ayaa ka digay suurtagalnimada khatar ka imaan karta kooxo qaswadayaal xagjir ah oo ku sugan gudaha Mareykanka, illaa laga gaarayo xilliga doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November.

Saraakiisha ayaa ka digaya xasillooni darro siyaasadeed, bannaanbaxyada rabshadaha wata iyo marin-habaabinta iyo wararka been abuurka ah ee ay dalalka qaar ku hayaan shacabka Mareykanka si ay u saameeyaan doorashada.

Waaxda Amniga Gudaha iyo Hey’adda Danbi-baarista ee FBI ayaa sheegay in ay u badan tahay in ay kordhi doonto khatarta kooxo xagjir maxalli ah ka iman karta laga soo billaabo bisha soo socoto illaa laga gaarayo maalinta doorashada ee saddexda November.

Bannaabaxyo ka dhacay guud ahaan Mareykanka bili dhawaa oo looga soo horjeedday sinnnaan la’aanta dhanka isirka iyo habdhaqanka ciidanka booliska ee dadka madow, ayaa qaarkood noqday kuwo ay rabshado hareeyeen, laakin intooda badani ku dhamaaday si nabad ah.

Madaxweyne Trump ayaa todobaadki hore shaki geliyay inuu aqbali doono, haddii looga guuleysto doorashada madaxtinimada ee November.

Like it? Share it!

Leave A Response