Dad ku dhintay Shil Gaari oo ka dhacay duleedka Jigjiga

by admin | Friday, Nov 5, 2021 | 260 views

Shilka Gaari oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay duleedka Magalada Jigjiga ee Xarunta dowlad degaanka Soomaalida.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday Gaari yar xilli uu marayay wadada Wajaale ee duleedka Jigjiga, waxaana ku dhintay laba Ruux halka hal qof kale uu ku dhaawacmay Shilka.

Dadka ku dhintay Shilka iyo qofka ku dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Magaalada Jigjiga, iyada oo gurmad ay u sameeyeen dadka degaanka iyo Ciidamada Booliska Magaalada Jigjiga.

Dadka degaanka uu shilka ka dhacay ayaa waxaa ay sheegeen in Shilalka Gaari ay kusoo bateen wadada Wajaale oo qeybo kamid ah ay burbursan tahay, waxaana ay ugu baaqay Xukuumadda dowlad degaanka inay wax ka qabato.

Shilalka Gaari ayaa bilihii la soo dhaafay kusoo bateen degaano u dhow Magaalada Jigjiga, iyada oo dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay shilal ka dhacay dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Like it? Share it!

Leave A Response