Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

by admin | Friday, Nov 5, 2021 | 231 views

Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabduwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga waxaa Garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay, Wasiirka Shaqada Maamulka Koonfur Galbeed, Wasiiru dowladaha Madaxtooyada, Maamulka degmada & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabduwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo Warbaahinta la hadlay ayaa u mahad celiyay cid kasta oo ka qeyb qaadatay soo dhaweyntiisa, wuxuuna sheegay in uu howlo Shaqo u tegay Magaalada Baydhabo.

Wasiir Cabduwahaab ayaa waxaa la filayaa inta uu ku sugan Magaalada Baydhabo in uu kulan la qaato Madaxweynaha Koonfur Galbeed igo Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Maamulkaas.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu mashaariic kala duwan kandhagax dhigi doonaa Magaalada Baydhabo, kaas oo ay ka qeyb qaadan doonaan Hay’ado Caalami ah.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha Maamulka Koonfur Galbeed looga qorsheeyay in lagu qabto doorashada Golaha Shacabka.

Like it? Share it!

Leave A Response