Kulan xal loogu raadinayay xiisadda Baraawe oo natiijo la’aan ku dhamaaday

by admin | Friday, Nov 5, 2021 | 232 views

Waxaa saacadihii la soo dhaafay ka socday degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose kulamo la doonayay in lagu dhemeeyay xiisadda gacan ka hadalka sababtay ee ka taagan degmadaas kadib markii maalmo ka hor degmadaas ay ku dagaalameen Ciidamada Ammaanka iyo maleeshiyo Beeleed hubeysan.

Kulamada oo ay wadeen Odayaasha Dhaqanka degmada Baraawe & mas’uuliyiinta Maamulka ayaa ujeedkoodu ahaa sidii loo dhameyn lahaa cabashada ay ka qabaan qaar kamid ah beelaha dega degmadaas habka loo dhisayo Golaha degaanka degmadaas, ha yeeehee kulamada ay ku dhamaadeen natiijo la’aan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Xubnaha ka socda Maamulka Koonfur Galbeed ee wada dhismaha Golaha degaanka ay u sheegeen Beelaha cabashada qaba tiro yar oo laga siinayo Golaha degaanka balse Beelaha ay ka caroodeen taas oo keentay in wada-hadallada istaagaan.

Dad ku sugan degmada Baraawe ayaa Risaala u sheegay in Maanta ay cabsi dareemayaan maadaama weli qeybo kamid ah degmada Baraawe ay ku sugan yihiin maleeshiyaadkii u abaabulnaa habka Beeleed ee kasoo horjeeday habka loo dhisayo Golaha degaanka degmadaasi Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

In kastoo xaaladda degmada Baraawe ay tahay mid degan, ayaa hadana waxaa siweyn looga dareemayaa xiisadda ka dhalatay dhismaha Golaha degaanka oo doorashadooda ay ka socoto halkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response