Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Dagaal beeleed dib uga qarxay Degaanka Qalan-qale

by admin | Saturday, Jun 27, 2020 | 404 views

Degaanka Qalan-qale ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud waxaa goordhow dib uga bilowday dagaal beeleed u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed, kuwaasoo degaankaasi ku dagaallamayay Saacadihii lasoo dhaafay.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay joojiyaan dagaalkii degaanka Xananbuure, waxaana hada ay kusoo jeedaan degaanka uu dagaalku ka socdo.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay in dagaalka uu yahay hadda Mid xooggan,islamarkaana maleeshiyaadka hubeysan ay dagaallamayeen Saacaddihii lasoo dhaafay.

Ku dhawaad 10 ruux la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaal beeleedka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen dagaalkii shalay.

Dhinacyada dagaalamaya oo mudaba is hor fadhiyay ayaa isku haya baraago laga qoday dhul miyi ah oo deegaankan hoostaga taasi oo xalkeeda dhowr jeer lagu guul dareestay .

Like it? Share it!

Leave A Response