Dagaal ka dhacay duleedka Guriceel & khasaaro ka dhashay

by admin | Thursday, Sep 1, 2022 | 356 views

Dagaal xoogan ayaa Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Al-Shabaab waxaa uu ku dhexmaray degaanka Jaaw oo 57km dhanka Koonfureed kaxiga degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo garab siinaya dadka degaanka ay weerareen degaanka Jaaw oo ay gacanta ku hayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada degmada Guriceel Cabdishakuur Indho, ayaa sheegay in Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay weerarka qaadeen xalay, iyaga oo ka jawaabaya dhibaato uu sheegay inay Al-Shabaab u geysteen dadka Shacabka ah.

Guddoomiye kuxigeenka oo la hadlayay Warbaahinta ka howlgasha degaannada Galmudug wuxuu sheegay in Ciidamada huwanta ah ay dagaalka ku gaarsiiyeen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, balse dhankooda wax khasaaro ah uusan soo gaarin.

Wararka naga soo gaaraya saaka degaanka Jaaw ee Koonfurta degmada Guriceel ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay midan, hayeeshee Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug ay wadaan howlgallo kala duwan & dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Like it? Share it!

Leave A Response