Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

faafaahin:Dhimasho & dhaawac ka dhashay Hoobiyeyaal kusoo dhacay Muqdisho

by admin | Thursday, Sep 1, 2022 | 397 views

Tiro madaafiic ah ayaa saaka markii laga baxay Salaada Subax waxaa ay kusoo dhaceen Xaafado katirsan degmooyinka Boondheere & Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Madaafiicda oo siweyn looga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay garayeen ilaa Saddex ,kuwaas oo ku dhacay Guryo ay deganaayeen dad Shacab ah oo kuyaalla Xaafadda Casa Italia iyo agagaarka Isgoyska Wiilwaal.

Qof ku sugan Xaafadda Casa-italia ayaa  u sheegay   warbaahinta in ilaa Saddex ruux ay ku dhinteen saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo gurigooda uu hoobiyaha ku dhacay.

Sidoo kale goobjoogaha waxaa uu sheegay in Saddexda qof ee geeriyootay laba kamid ah dhaawacooda oo aad u cuslaa ay Isbitaalka ku geeriyoodeen, halka qofka kale Isla goobta uu hoobiyaha kusoo dhacay uu ku geeriyooday.

Sidoo kale hoobiye ku dhacay Guri kuyaalla agagaarka Iskuulka Wiilwaal ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa Afar Ruux, halka agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon uu ku dhacay Hoobiyaha Saddexaad, kaas oo aan qarxin.

laamaha Ammaanka Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin hoobiyeyaasha saaka Salaadii Subax kusoo dhacay Xaafado katirsan degmooyinka Boondheere iyo Xamarweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response