Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland & Koox hubeysan oo ka socda Gacan-Libaax.

by admin | Monday, Jul 31, 2023 | 221 views

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo koox hubeysan oo dhowaan looga dhawaaqay Buurta Gacan Libaax ayaa ka socda Deegaanka Deri-Maraa oo dhaqdhaqaaq ciidan ay ka wadeen saacadihii lasoo dhaafay.

Xalay fiidkii ayay mar deegaankaan ku dagaalameen ciidamada Somaliland & Jabhadda hubeysan ee Buurta Gacan-Libaax looga dhawaaqay, waxaana saakay marka dib u billowday dagaalka labadaas ciidan.

Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in dagaalka kahor in la maqlayay Rasaas Goos-Goos ah oo dhinacyada is hor fadhiya is dhaafsadeen waxaana markii dambe xigay dagaal toos ah oo deegaankaas ka qarxay.

Si dhab ah looma ogaan khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay fiidkii dhacay iyo kan hadda ka socda Deegaanka Deri-Maraa maadaama dhinacyada dagaalamaya ay xadideen in xogtooda la helo halka dadka deegaanka ay barakaceen.

Like it? Share it!

Leave A Response