Denmark oo sheegtay in ay ka fakireyso mamnuucista ‘Gubista Kitaabka Qur’aanka Kariimka’.

by admin | Monday, Jul 31, 2023 | 201 views

Dowladda Denmark ayaa sheegtay in ay ka fakireyso qorshe ay ku mamnuuceyso gudibta Kitaabka Qur’aanka Kariimka oo waddamo kamid ah kuwa Yurub muddooyinkii dambe dab lagu qabad-siinayay kuwaas oo dhaliyay caro ka timid Muslimiinta.

Denmark oo ka fogaaneysa in weerarro ay ka dhacaan Dalkeeda isla markaana xiriirka ay u jaraan waddamada Muslimiinta ayaa dejineysa qorshe xooggan oo ay ku dhiiraneyso sidii loo mamnuuci lahaa Gubista ‘Kitaabka Qur’aanka Kariimka’.

Xukuumadda Copenhagen ayaa shaacisay in tallaabadaan ay u mareyso hab waafaqsan dastuurkeeda maadaama dadka sameynaya gubista ay ku doodayaan in Dastuurka Dalkaas uu u fasaxay tallaabadaas.

Denmark ayaa dhaqaale xumo xooggan gashay kaddib markii Waddamada Muslimiinta ay horay u mamnuuceen in ay iibsadaan waxyaabaha lagu sameeyo dalkaas, waddanka labaas ee dhabbahaas maray waa Sweden.

Falcelin caro ay ku dheehan tahay ayay Dalalka Islaamka ka sameeyeen tallaabada lagu gubay Kitaabka Qur’aanka kariimka iyaga oo ku dhawaaqay Dalalkaas in ay xiriirka u jareen Denmark iyo Sweden isla markaana joojiyeen waxsoosaarkooda loo iib geeyo.

Like it? Share it!

Leave A Response