Duqa Muqdisho oo sheegay in wadashaqeynta Shacabka & Dowladda ay suuragelisay in amniga Caasimadda uu soo hagaago.

by admin | Monday, Jul 31, 2023 | 198 views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sheegay in wadashaqeynta Shacabka iyo Dowladda Federaalka ay suuragelisay in ay suuragelisay isbaddel amni.

Waxa uu dalbaday in la xoojiyo si loogu dhaqaaqo qorshaha dib u dhiska Waddooyinka, Xarumaha Muhiimka ah iyo meelaha kale ee u baahan in lagu shaqeeyo si loogu qabto adeegyada Bulshadu u baahan tahay.

Howlgallada ka socda Magaalada Muqdisho ayuu Guddoomiye Madaale tilmaamay in ay meesha ka saareen weerarrada iyo falalka kale ee ‘AS’ ka geysanayeen Caasimadda iyo dhalinyarada loo yaqaan ‘Ciyaal-weerrada’ oo la ciribtiray waa sida uu hadalka u dhigay.

“Wadashaqeyntu mar weliba Dalka ayay noo bilaysaa, Horumar waan ku gaari kareynaa haddii alle idmo, haddii ay ahaan lahayd Amniga, Khawaariij, ciyaalkii mooryaanta ahaa & Ciyaal weeradii, wax badan oo kamid ah waa laga guuleystay alle mahadi, waxa ay inoo suuragelisay in aan maanta halkaan joogno” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho waxa uu sheegay in madaxda Dowladda Federaalka ay diyaar u yihiin in ay la kulmaan Bulshada oo ay kala qaybgalaan kulamada isu imaatinka si ay u kala xog-qaataan.

Hadalkaan waxa uu Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ka sheegay munaasabad ka dhacday Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir uuna ka qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre

Like it? Share it!

Leave A Response