DHAGEYSO: Gaadiidka Bajaajta oo laga Mamnuucay Baydhabo

by admin | Sunday, May 6, 2018 | 1183 views

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa  ku dhawaaqay in Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay laga joojin doono Gaadiidka loo yaqaano mooto Bajaajta.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Baay

G. Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ay waddaan qorsheyeyaal ku aadan in magaalada laga joojiyo Gaadiidka Bajaajta.

Waxaa uu sheegay in ay Magaalada ay u soo gashay si xad dhaaf ah, islamarkaana ay xakameyn doonaan Magaaladana aan lasoo galin karin Mooto Bajaajta.

Waxaa uu xusay in maamulka gobolka Bay uu kasoo baxay Amarka lagu joojiyay Gaadiidka Bajaajta.

Taliyaha ayaa sheegay in cidii lagu qabto, iyadoo Magaalada Baydhabo soo galinaysa Bajaaj in tilaabo laga qaadi doono.

Like it? Share it!

Leave A Response