Wasiir ku xigeenka maaliyadda soomaaliya oo booqday baydhabo

by admin | Sunday, May 6, 2018 | 1155 views

Wafdi balaarran oo ka socoda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo gaarey Magalada Baydhabo ee Xarunta KMG Dowladda KGS.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadaa DFS Mudane C/llahi Sheekh Ali.

Madaxdan soo gaartay Baydhabo ayaan kulan la qaatay Madaxweynaha Dowladda K/Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, qaar ka mid ah Wasiiradda iyo Guddoomiyaha Gobolka Baay Mudane Cali Wardheere.

Kulanka kadib waxay xarig jareen Wado lami ah oo gaaraysa 3.5Mts taasi oo dhax marta gudaha Magalada Baydhabo.

Wasaarada Federaalka Soomaaliya ayaa Mashaariic badan ka fulisay Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response