warbixin ku saabsan fatahaada wabiga shabeele ee gobolka hiiraan{warbixin}

by admin | Tuesday, May 8, 2018 | 1117 views

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ku fatahay Wabiga Shabelle, waxaana Fatahaada Wabiga sameeyay ka dhashay khasaarooyin isugu jira dhimasho, bur bur iyo barakac.
Qeybo ka mid ah xaafaddaha magaalada ayeey biyuhu qariyeen halka dhinaca kalena ku shubayaan xaafado markii hore biyuhu aysan gaari jirin.

Inta badan dadkii kunoolaa magaalada Baladweyne ayaa saameyn xoogan waxaa ku yeeshay fatahaada uu sameeyay Wabiga Shabelle, waxaana magaalada ka baracaya dadkii kunoolaa.

Wabiga Shabelle Fatahaada uu geestay waxaa ka dhalatay dhimaso iyadoona ay ka mid ahaayeen dadka dhintay lix qof oo isku qoys ahaa .

magaalada waxaa ka go.day Korontada waxa adkaatay isticmaalka habka Mobel-ka lacagaha leysugu gudbiyo ee EVC Plus-ka, taasoo sii adkeysay nolasha ka jirtay guud ahaan mgaalada Beledweyne.

Baahida ay qabaan bulshada ka barakacday fatahaada ayaa ah helitaanka biyo nadiif ah .musqulo iyo gurmad loo fidiyo dadka barakacay .

150,000 Qoysaskii degenaa magaalada ayaa u kala socdaal Tuullooyinka iyo deegaanka Ceeljeelle oo ah dhul taag ah oo inta badan dadku deegaansadaan marka ay jirto sidan oo kale Fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle

fatahaada wabiga ayaa sameyn ku yeelatay.

Ilaa iyo 10 Iskuul oo ku yaalla Magaalada Beledweyne ayaa ka baaqday Imtixaan ay galilahaayeen sababtuna waa Biyaha Fatahaada uu xarumaha Dhax fadhiyo weli.

Beeraleyda ku dhaqan deegaanada hirshabeele ee uu maro wabiga shabeele ayaa sheegay in saameyn badan ay ku yeelatay fatahada wabiga shabeele .
waxaa xiran ganacsiga magaalada Baladweyne ka dib fatahaadii wabiga shabeele

magaalada waxaa soo gaaray wafood kala duwan waxaana ka mid ahaa .

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana uu booqday deegaanka Ceeljaalle oo ay ku barakaceen dad badan oo kacaray atahaada wabiga shabeele sidoo kale waxaa magaalada yimid.
Wafdi isugu jiray Safiirrada dalalka Turkiga iyo Qadar u fadhiya Soomaaliya, Xildhibaanno iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda gargaarka iyo masiibooyinka Soomaaliya oo dhamaantood Beledweyne u yimid sidii gacan loosiin lahaa dadka kabarakacay fatahaada wabiga shabeele

Xubnaha Wafdiga ayaa booqday goobaha ay ku noolyihiin dadka ka Barakacay Magaalada ee hada ku dhaqan Duleedka magaalada baladweyne

waxaa ka hadlay Madaxweynaha maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare waxaa sheegay in saameynta iyo khasaaraha ka dhashay Fatahaada magaalada Beledweyne yihiin kuwo aad u badan.
Wuxuu sheegay in wali biyaha Wabigu yihiin kuwo sareeya oo aan sameynin wax nusqaan ah, .

Marka la barbar dhigo Fatahaadii ugu danbeysay ee sanadkii aynu soo dhaafnay ku dhufatay magaalada ayeey dadka waaya joogi ah kuu sheegayaan in ay ka miisaan iyo xajmo culus tahay tan hadda magaalada looga kala baxay madaama lagu guda-jiro xiligii Gu’ga oo da’mada roobabku laga yaabo in ay waqti kale sii qaadato.

Ilaa iyo hadda ma jiro gurmad la taaban karo oo ay heleen dadka ka barakacay Fatahaada iyo kuwa wali ku dhax go’doonsan xaafaddaha ay Biyuhu ku dhufteen marka laga soo tago fariimo lagu dalbanayo gurmad iyo gargaar bani’aadannimo oo dirayaan mas’uuliyiinta Hirshabeelle iyo maamulka gobolka Hiiraan.
W/D: Bashiir cabdulahi cismaan
baladweyne.soomaaliya

Like it? Share it!

Leave A Response