Dibad-baxyo looga soo horjeeday xarigga Jeneraal Sheegow oo ka dhacay Muqdisho

by admin | Sunday, Aug 20, 2023 | 153 views

Waxaa goordhaw qeybo kamid ah Muqdisho ka dhacay diba-baxyo qaarkood rabshado wateen oo looga soo horjeeday xarigga ciidanka dowladda Soomaaliya shalay u geesteen Jeneraal Sheegow oo horey uga tirsanaa milatariga Soomaaliya.

Dadka dibad-baxa dhigayay oo kasoo jeeday beesha sargalkan la xiray ayaa dalbanayay in si shuruud la’aan ah loo soo daayo jeneraalka, waxa ayna sheegeen in sifo sharci darro ah loo xiray looguna weeraray gurigiisa.

Dibad-baxayaasha oo lagu arkayay waddooyinka KM-4 iyo wadada Buulo Xuubey ayaa mararka qaarkood tuurayay dhagxaan, waxa ay sidoo kale meelaha qaar dadkan ku gubayeen taayaro.

Qaar kamid ah dadka dibad-baxa dhigayay oo warbaahinta la hadlay ayaa ku hanjabay in ay sii wadi doonaan dibad-baxyada haddii aan si deg deg ah loo soo deyn jeneraal Sheegow iyo askarta kale ee la xiran.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa shalay degmada Dharkeenley kasoo xiray jeneraal Sheegow iyo in ka badan 20-askari oo u heestay, kaddib dagaal dhiig badan ku daatay uu la galay ciidanka xasilinta caasimadda.

Like it? Share it!

Leave A Response