Guddoomiyihii degmada Baraawe iyo ku xigeenkiisii labaad oo xilkii laga qaaday{AKHRISO}

by admin | Sunday, Aug 20, 2023 | 141 views

Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxay xilkii ka qaaday guddoomiyihii degmada Baraawe, Liibaan Abuukar Cusmaan iyo ku xigeenkiisa labaad, Marwo Sahro Abuukar Cali.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa lagu sheegay, sababta xilka looga qaaday guddoomiyaha in ay tahay, wada shaqayn la’aanta golaha degaanka Baraawe iyo maamulka degmada Baraawe.

Go’aanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Koonfur Galbeed, ayaa kusoo beegmay, kadib markii golaha degaanka Baraawe ay dhawaan mooshin xil ka qaadis kasoo gudbiyeen guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa labaad.

Muddooyinkii ugu dambeeyay, waxaa magaalada hareeyay is qabqabsiga maamulka, waxaana guddoomiyaha lagu eedeeyay inuu isku koobay awooddii maamulka, islamarkaana uu dhegaha ka furaystay eedemo loosoo jeediyay.

Dhinaca kale, wasaaradda arrimaha gudaha ayaa xilka guddoomiyaha degmada Baraawe si kumeel gaarka ah u magacowday Cumar Sheikh Abdi Shafana kaddib markii guddoomiyihii hore ee Degmada Baraawe xilka laga qaaday.
Like it? Share it!

Leave A Response