Digniin culus oo loo diray Hay’adaha ka howlgalla gobolka Hiiraan

by admin | Monday, May 24, 2021 | 272 views

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka hadlay fatahadaha Wabiga Shabeelle uu ka gestay degaannada Gobolkaas iyo sidii looga horetgi lahaa si uusan u saameyn Bulshada Magaalada.

Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in dowladda iyo hay’adaha xilligaan ay wax qabad uga baahan yihiin si fatahadaas looga hortago, isaga oo sheegay in aan loo baahneyn waxyaabaha yar yar oo ay Hay’adaha keenaan gobolka Hiiraan.

Waxa uu uga digay Hay’adaha ceebta uga imaan karta Maamulka iyo degaannada gobolka Hiiiraan oo uu sheegay in dadka ay waqtiga uga luminayaan waxyabao aan waxba u soo kordhineyn, iyada oo ay jiraan fatahaado.

Hadalka Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Magaalada Beledweyne ay ka socdaan dadaalo looga hortagayo in sanadkaan uusan Magaalada ku fatahin Wabiga.

Like it? Share it!

Leave A Response