faafaahin:Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Galgaduud.

by admin | Monday, May 24, 2021 | 280 views

Dagaalka oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Haraale oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa waxaa uu dhexmaray laba maleeshiyo Beeleed, waxaana la sheegay in uu sababay dhimashada hal Ruux iyo dhaawaca 7 qof, kuwaas oo u badan dhinacyadii ku dagaalamay duleedka Balanballe.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in labada maleeshiyo Beeleed ay isku heystaan dhul ku yaal degaanka Haraale ee duleedka Balanballe, isla markaana uu yahay mid soo laab laabtay.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Balanballe ayaan weli ka hadlin dagaalka, hayeeshee waxaa la filayaa in Saacadaha soo in Taliska qeybta 21aad ay Ciidamo u diraan degaanka lagu dagaalamay.

Like it? Share it!

Leave A Response