Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka wadatashiga doorashooyinka {AKHRISO}

by admin | Monday, May 24, 2021 | 313 views

Waxaa Maalintii saddexaad Galaya shirka madasha Wadatashiga Arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Madaxda dowladda Soomaaliya, dowlad Goboleedyada iyo guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).
Shirka oo furmay Maalin ka hor ayaa waxaa shalay looga hadlay ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana sheegay in laga sameeyay horumar wanaagsan. Iyada oo Maanta la sii amba qaadayo falanqeynta ajandayaasha horyaala shirka.

Madaxda ku shireysa Xarunta Teendhada Afisiyooni oo ka doodaya qodobada lagu gaaray heshiiskii 17-kii September Magaalada Muqdisho iyo kii Baydhabo ayaa sigaar ah uga hadlaya arrimaha doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi & Arrinta gobolka Gedo.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Shirka Maanta uu noqono mid xasaasi ah, isla markaana ay macquul tahay in la soo geba-gabeeyo lagana soo saaro warmurtiyeed ku saabsan heshiiska la gaaro iyo inay bilaabanayaan arrimaha doorashooyinka.

Like it? Share it!

Leave A Response