Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu diley Xubno ka tirsan Al-Shabaab

by admin | Friday, Jan 3, 2020 | 596 views

Ciidamo ka tirsan Guutada kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab gaar ahaan Guutada 16aad ayaa hawgal Qorsheeysan waxaa ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Bariire Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka sigaar ah uga fuliyeen degaanka Boloow eyle oo 4 KM ujira degaanka Bariire ee Gobalka Shabeellada Hoose,isla markaana ay ku bur buriyeen labo gaari xaamuul ah kuwaasi oo lagu diyaarinayay qaraxyo ,isla markaana ay ku dileen kudhawaad 30 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab.

Taliyaha guudata 16aad, ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida usheegay howlgalka inuu ahaa mid qorsheeysan islamarkaasna ay ka warheleen inay diyaarinayaan gaadiid qaraxyo ah oo ay doonayaan inay kuwaxyeeleeyaan Shacabka aan waxba galabsan.

Gaashaanle ISmaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa tilmaamay gaadiidka qaraxyada ku diyaarinayeen inay ahaayeen gaadiid waaweeyn oo ah nooca xamuulka islamarkaasna ay dhinaca cirka ka duqeeyeen taasi oo sahashay iyadoo cidna uu qasaare kasoo gaarin in la burburiyo sidoo kalana Kumaandooska ay ugu galeen howdkii ay ku sugnaayeen halkaasi oo ay kagad ileen 30 Xubnood oo ay ku jireen Saraakiil.

Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah howl-gallo ay Ciidanka kumaandoosKa Xoogga Dalka ee Danab ku todobaadyadii las oo dhaafay ay ka wadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Like it? Share it!

Leave A Response