Kulan dhexmaray Madaxweyne Waare iyo Saraakiisha AMISOM

by admin | Saturday, Jan 4, 2020 | 582 views

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada  Beledweyne Saraakiisha Ciidamada ee ka howlgalla gobolka Hiiraan.

Kulankaan waxaa qeyb ka ahaa Wasiir ku Xigeenka Amniga HirShabeelle iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan waxaana kulankaan looga hadlay Barnaamijka nabadda iyo hawlgalada iyo lagama maarmaanimada Isku furida wadooyinka Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ka codsaday Saraakiisha Ciidanka AMISOM in ay ka qeyb qaataan Furitaanka Wadooyinka ay Go’doomiyeen Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Ciidanka AMISOM ayaa dhankooda ballanqaaday in ay ka qeyb qaadan doonaan sidii dib loogu furi lahaa Wadooyinka Go’doonsan Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response