Xanuun aan la aqoonsan oo ka dilaacay degaano ka mid ah gobolka Sool

by admin | Saturday, Jan 4, 2020 | 571 views

Inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa u geeriyootay, in ka badan 70 qof oo kalena waa soo ritay, xanuun ka dillaacay degaanka Saaxdheer oo ku yaalla koonfurta gobolka Sool, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Caafimaadka ee degaankaasi.

Qaar ka mid ah dadka degaanka yaa sheegay in xanuunka halkaasi ka dilaacay uu wato calaamado ay kamid yihiin Shuban, Xummad iyo qufac, balse aysan ilaa iyo hadda garaneyn waxa uu yahay.

Mas’uuliyiinta Xarumaha Caafimaadka Saaxdheer, ayaa sidoo kale sheegay in xanuunka oo si xawliya ku faafaya, uu soo ritay dad kala duwan oo ku nool degaanka Saaxdheer iyo dhulka miyiga ah ee ku teedsan nawaaxiga Saaxdheer.

Madaxda xarumaha Caafimaadka Saaxdheer ayaa codsanaya in gurmad deg deg ah lala soo gaaro, xilli ay gabaabsi yihiin daawooyinkii iyo adeegyadii caafimaad ee xarumaha, islamarkaana bukaanno kala duwan soo gaarayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response