Dowladda oo sheegtay inay la wareegtay degaanka Janaale

by admin | Monday, Mar 16, 2020 | 510 views

Ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee DANAB iyo gor-gor ayaa Al-Shabaab kala wareegay degaanka Janaale oo hoosyimaada degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha hoose kaasi oo muddo ka badan 10 Sano ay ku sugnaayeen.

24-kii Saac ee la soo dhaafay ayaa Ciidamada Dowladda waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadeen deegaannada ku dhow dhow degaanka Janeele,hayeeshee Saraakiil Ciidan ay sheegeen inay ugu dambeyn la wareegeen.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Millateriga ayaa u sheegay Warbaahinta Ciidamada Qalabka sida in Ciidanka dowladda ay Gudaha u galeen degaanka Janaale,kadib markii ay isaga baxeen Ciidanka Dowladda,isla markaana ay ka wadaan baaritaano amniga la xiriira.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Al-Shababa ay goobaha qaar ku aaseen miinooyin,hayeeshee howlgallo ay sameeyeen ay ku soo saareen miinooyinkaas.

Taliyaha Ciidamada Dhulka ee xoogga dalka Cabdi xamiid Maxamed Dirir ayaa ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,iyada oo la filayo in uu booqdo deganka Janaale oo lagala wareegay Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response