Wasiirka qorshaynta Soomaaliya oo aan ka qeyb galin shirka wadatashiga Puntland

by admin | Sunday, Mar 15, 2020 | 525 views
Wasiirka qorshaynta iyo maalgashiga dowladda federalka Soomaaliya xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan, ayaa kamid ahayn ergada ka qeyb galaysa shirka wadatashiga Puntland ee saaka ka furmaya magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Warar HOL, heshay ayaa sheegaya in wasiir Jamaal uu ku gacan sayrsay shirkaan islamarkaana uu kamid yahay garabka guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo daareed, kaasoo xilka looga tuuray mooshin bishii november horaanteedii.

Wasiir Jamaal ayaa  sidoo kale kamid ah siyaasiyiinta aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo, waxaana xusid badan in Puntland ay albaabada u laabtay xafiiisyo uu ka furtay gobolka Sanaag oo qaabilsanaa xidhiidhka bulshada.

Maqnaashihiisa ayaa kamid ah hadal haynta aadka loogu falanqeynayo baraha bulshada, balse marka lagasoo tagayo wafuud badan oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ka socda dowladda federalka Soomaaliya ayaa shirka ka qeyb galaya.
Like it? Share it!

Leave A Response