WASIIRKA MAALIYADDA HIRSHABEELLE OO ISCASILI RABO XOG BADAN KA OGOOW AKHRISO:-

by admin | Sunday, Mar 15, 2020 | 835 views

Buuqa, isqab-qabsiga iyo mashaakilka joogtada ah ee marwalba ka dhex jira Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle ayaa sahlaya in qof kasta uu is weydiiyo su’aalahaan

  1. Maxaa khilaafka gooni uga dhigay Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle oo kaliya?
  2. Muxuu salka ku hayaa khilaafka keena in Wasiir kasta oo halkaas yimaada si fudud loo badalo?
  3. Maxay caqabado kuwaan la mid ah uga jirin Wasaaradaha kale sida, Wasaaradda Arimaha Gudaha maamulkaas oo marwalba dhib u joog ah, horseedna u noqota isbadalka maamullada, is maan-dhaafka siyaasadeed iyo xasilooni darrada gobolka Hiiraan?

Jawaabaha su’aalahan waxaan u deeynayaa aqristayaasha Halganrdio, balse si aan ugu sii bidhaamiyo, qof kasta oo ku cabbiri kara, caqli fayoow iyo maskax caafimaad qabta oo cilmi iyo aqoon halbeeg looga dhigay, waxaa u soo baxaya jawaabahaan soo socda

  1. In Wasiir kasta oo Wasaaraddaas yimaada heli karin madax banaani uu waajibaadkiisa ku guta sidaa darteed xilkiisu laga rabo oo kaliya mid magac u yaal ah
  2. In go’aannada masiiriga ah ee Wasaaraddaasi ay ka go’aan Madaxweyne ku xigeenka oo ah milkiilaha Hirshabeelle, wakiilna ay uga tahay gabadha Agaasimaha Guud ka ah Wasaaraddaas, oo marwalba Wasiirada isla dhererisa
  3. In Madaxweyne Waare uu yahay masaakiin iyo dhibane aan la ogeyn maadama uu meesha ku joogo, mu’aamarad ka sarreysa
  4. In Wasiirka Wasaaraddaasi ku yimaado hab awood qeybsi ah balse go’aan qaadashada iyo talada ay gacanta ugu jirto dad kale

Waxaa taa caddeynaya Warqaddii uu Wasiirka Maaliyadda Hirshabeelle shaqada uga joojiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxay ahayd, dhoollatus iyo mid uu ku muujinaya awooddiisa oo ah, in tallaabo cad laga qaadi karo cid kasta oo waajibaadkeeda u gudan waysa si sharci ah, balse waxaa Wasiirka lagu tabar tusay warqad kale oo uu Madaxweyne Waare deg deg kusoo saaray, taas oo lagu qancinayo laguna raali gelinayo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, kadib markii lagu xad gudbay gabadhii Wasaaraddaas wakiil uga ahayd

Khilaafka hadda ka jira Wasaaradda mid la mid ah ayuu horay xilkiisa Wasiirnimo ugu waayay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Hirshabeelle Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle “Maxamed Dheere” waxaana hadda soo if baxeysa in Wasiir Cabdi Shakuur uu xilka iska casili rabo inta aan laga qaadin

Gabagabadii arintaan ayaa dadka aan horay ula socon u muujineysa in Madaxweyne Waare qaddiyad sidaa weyn lahayn, go’aannada uu marwalba qaadanayana ay ku saleysan yihiin qancin iyo raali gelin qofeed si aanu u burburin heshiiskii uu meesha ku yimid ee ahaa, magaca Madaxweyne waa adiga, qalinka iyo meel marintana go’aannadana waa dhankeyga

Like it? Share it!

Leave A Response