Dowladda Oo War Kasoo Saartay Duqeyn Cusub Oo La Fuliyay

by admin | Wednesday, Aug 26, 2020 | 381 views

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiysay duqeyn diyaaradeed oo saacadaha lasoo dhaafay Ciidanka DANAB iyo kuwa Mareykanka ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan Gobolka Baay.

Qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka duqeynta laga fuliyay tuulada Cadaad Gari ee deegaanka Xabiibiyaal oo ah inta u dhaxeyso Diinsoor iyo Baardheere, isla markaana lala eegtay Saraal ka tirsanaa Al-shabaab.

Duqeynta ayaa waxaa lagu dilay Sarkaal magacabiisa lagu sheegay Cabduqaadir Cusmaan Yaroow oo loo yaqaanay Cabduqaadir Kumaandoos, kaasi oo la tilmaamay inuu ahaa Madixii Jabhadaha Al-shabaab.

Si kastaba Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa marar badan duqeymo ka geystay deegaano ka tirsan Gobolada dalka, kuwaasi oo qaarkood lagu dilay xubno ka tirsnaa Al-shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response