Hirshabeelle Oo Sheegtay In Doorashadooda Ay Ku Dhaceyso Waqtigeeda

by admin | Wednesday, Aug 26, 2020 | 396 views

owlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaacisay inay uu socdo qorshe loogu diyaar garoobayo Arrimaha doorashada Maamulkaas, xili muddo xileedka Hay’addaha Hirshabeelle uu ka harsan yahay muddo kooban.

Afhayeenka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Cirro oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in wadaan diyaar garoowgii ugu dambeeyay ay ku dhici laheyd Doorasho xalaal ah, Bisha September-na la bilaabi doono Ololaha.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka in Madaxda Hirshabeelle aysan diyaar u aheyn inay sameeystaan muddo kororsi ah, ayna doonayaan in la qabto doorasho xor ah, isla markaana ay noqoto mid lagu wada qanacsan yahay.

Sidoo kale Daa’uud Cirro ayaa caddeeyay in Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle la dhaarin doono 5-ta Bisha Octoober ee 2020, ayna doorashada Guddoonka Baarlamaanka la qaban doono 12-ka bishaas Octoober.

Isaga oo sii hadlaayay Afhayeenka ayaa waxaa uu tilmaamay in Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle la dooran doono 17-ka Bisha Octoober, wuxuuna Carabka ku dhuftay in marnaba aysan dooneyn muddo kororsi.

Ugu dambeyn Afhayeenka Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka ay gaaray Jowhar ay dhawaan bilaabi doonaan howlgal ka dhan ah Al-shabaab, isla markaana ay doonayaan in shabaab laga saaro deegaanada ay gacanta kaga hayaan Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response