Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale: “Looma dulqaadan karo in maalin weliba qof aan waxba galabsan uu xabbad ku dhinto”.

by admin | Tuesday, Feb 28, 2023 | 165 views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo Warbaahinta kula hadlay Isgoyska Siinay oo ay isku rasaaseen Ciidamo katirsan kuwa Amniga Isgoyskaas ilaalinayay & ilaalada Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in lala xisaabtami doonno dadkii ka dambeeyay dhibaatada halkaas ka dhacday.

Yuusuf Madaale ayaa sheegay in la xiray dhammaan ciidankii joogay barta kontorool si loo baaro loona helo cidda qaadaneysa mas’uuliyadda dadka dhintay, kuwa dhaawacmay & qalqalka soo wajahay Muwaadiniinta ka dhaweyd Isgoyska Siinaay waa sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

“Runtii waxa aan la damqaneynaa Shacabkii iyaga oo aanay waxba galabsan halkaan wax ku gaareen ee dhimashada & dhaawacyo intaba ay dhaceen, Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid oo dhaawac ah & Ciidanka labada dhinac oo dhimasho iyo dhaawac soo gaaray, intaba allaha naga Sabar siiyo” .

“Looma dulqaadan karo in maalin weliba in qof aan waxba galabsan uu xabbad ku dhinto weliba adiga oo rabtid in aad naf badbaadisid in aad naf kale goysid waa nasiib darro, xal ayaa loo raadinayaa arrimahaan oo dib ayaan isugu laaban doonnaa” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhammaan Askarta & saraakiisha hoggaamineysay ee kiiskaan loo hayo loo gudbiyay Hay’adda Booliiska u qaabilsan baarista dambiyada si loogu sii gudbiyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida si loogu ciqaabo fal dambiyeedka ka dhacay.

“Dhammaan Ciidankii halkaan ku qornaa ee Booliiska & Nabadsugidda isugu jiray xabsiga ayaa lawada geeyay, baaritaan ayaa lagu jiraa oo C.I.D. iyo xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka waxaana rajeyneenaa in Dadkaas caddaalad ay helaan, waxa aan rabnaa oo aan Hay’adaha amniga kawada hadalnay in aan loo jixin-jixin dadka dhibkaas geystay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Duqa Muqdisho.

Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho waxa uu Ciidamada ammaanka u xilsaaran uga digay in ay waxyeello gaarsiiyaan Dadka Shacabka, isla xisaabtan ayuu sheegay in uu ka dhalan doonno si loo ilaaliyo hantida iyo Nafta Dadka waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa aan rabnaa in ay naga yaraadaan dhacdooyinkaan oo kale, askarta goobahaas jooga waa in ay ka fiirsadaan xabbadda ay ridayaan iyaga oo aanay u aabbe yeeleen, marka adiga oo rabtid in aad naf badbaadisid naf kale ha gooyin, dib ayaan isugu laaban doonnaa innaga oo rajeyneyna in aan helno xal ka duwan midkaan, Ciidamada waxa aan kula dardaarmee si fudud naf ha u gooyin” Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale Duqa Muqdisho.

Dowladda Federaalka ma sheegin tiro rasmi ah oo ah Dadka ku dhintay & kuwa ku dhaawacmay israsaaseynta Isgoyska Siinay ee Magaalada Muqdisho ku dhexmartay Ciidamada ku sugan Kontoroolka looga gudbo Degmada Boondheere & ilaalada uu watay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid.

Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 4 ruux oo rayid & askar ah ay ku dhinteen halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, waxaana la sugayaa natiijada hay’adaha Baarista ku howlan & xukunka ay riddo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Like it? Share it!

Leave A Response