Duqeyn ka dhacday Jubbada Hoose & khasaaro ka dhashay

by admin | Thursday, Feb 25, 2021 | 335 views

Duqeeynta oo geysatay khasaaro kala duwan ayaa kadhacday degaanka Buurta kuumba oo qiyaastii 12 kiilo mitir u jirta degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiil Ciidan ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday Xarumo Al-Shabaab ay Ciidamadooda ku tababari jireen, isla markaana lagu dilay 15 Xubnood oo isugu jira Saraakiil iyo Xubno kale, sidoo kalena lagu burburiyay Xarumaha uu tababarka ka socday.

Duqeynta ayaa waxaa iska kaashaday Ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibadooda Caalamka oo Mareykanka uu ugu horeeyo sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka qeybta 43-aad.
Saraakiisha ma faah faahin Magacyada Saraakiisha duqeynta lagu dilay, balse ay sheegeen inay dib Warbaahina ugu faah faahin doonaan.
Degaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay duqeyn uu Mareykanka sheegtay in uu ku diay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab walow mararka qaar ay waxyeelo kasoo gaarto dad Shacab ah.

Like it? Share it!

Leave A Response