faafaahin:weerar ka dhacayBeledweyne Howlgal ka socda.

by admin | Thursday, Feb 25, 2021 | 307 views

Ugu yaraan Saddex qof oo shacab ayaa la xaqiijiyay inay ku dhawacmeen weerarkan Bam Gacameed loo Adeegsaday oo lagu qaaday Bar koontarool oo Ciidamada Amaanka ay ka ilaaliyaan Xaafada Buunda-weyn Magaalada Beledweyne.
Weerarka bambaano kadib ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay fureen rasaas faraabdan, taas oo aan weli la shaacin khasaaraha kasoo gaaray dadka Shacabka ah.

Qaar kamid ah dadka ku dhaawacmay weerarka bambaano ayaa la geeyay isbitaalka Guud Beledweyne, waxaana saraakiil Caafimaad ay sheegeen in dhawacyada qaar ay culus yihiin.
Wararka saaka naga soo gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarka bambaano.
Todobaad ka hor ayay aheyd markii weerar bambaano lagu qaaday Barta-kontrool oo Ciidamada amniga ay ku leeyihiin Xaafada Buunda-weyn ee Magaalada Beledweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response