Maxkamad xukun ku riday Nin ka tirsan Kooxda Daacish

by admin | Thursday, Feb 25, 2021 | 319 views

Dalka Jarmalka waxaa 10 sanno iyo bar xarig ah lagu xukumay Nin reer Ciraaq ah oo lagu soo eedeyay inuu yahay tababare sare oo ka tirsan ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ah ee Daacish.
Maxkamadeynta oo socotay muddo 3 sannadood ah ayaa ugu dambeyn Ahmad Abdulaziz Abdullah oo 37 jir ah lagu helay dambiga ah inuu taageerayay kana mid ahaa ururka Daacish.

Waxaa la sheegay in Magiciisa afgarashada ee ururka uu ahaa Abu Walaa waxa uuna imaam ka ahaa misaajid ku yaalla Hildesheim kaasi oo ilaa muddadaasi xiran.
Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in isaga iyo 3 kale ay tabarbar u fidinayeen dhalinyarada dooneysa iney ku biiraan ururka Daacish si ay uga soo dagaallamaan Suuriya iyo Ciraaq.
Ahmad Abdulaziz ayaa isagoo magangalya doona ah yimid dalka Jarmalka sannadkii 2001-dii.

Like it? Share it!

Leave A Response