faafaahin:Dagaal ka dhacay Gobolka Shabeellaha dhexe

by admin | Thursday, Apr 1, 2021 | 304 views

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa Ciidamo ka tirsan kuwa AMISM gaar ahaan Burndi iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaa uu ku dhex-maray degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Burundi ee degmada Mahadaay , waxaama halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan saacad.

Dadka ku nool degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac , basle ay sirasmi ah u ogeyn khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalka.

Wararka ayaa waxaa ay ntaasi ku darayaan in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Millateriga Soomaaliya eek u sugan degmada Mahadaay ay halkaasi kas ameeyeen howlgallo lagu xaqiijinayay Amniga.

Like it? Share it!

Leave A Response